Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismail Ahmed Ismail oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

image.jpeg

Waxaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, Allah Ha U Naxariistee, Ismaciil Axmed Ismaciil, oo ahaa taliyihii dhisay Ciidamaddii Asluubta ee dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaliyeed.

Sarreeye Gaas, Ismaciil Axmed Ismacil wuxuu ku dhashay, kuna soo barbaaray magaalada Ceerigaabo, ee Gobolka Sanaag, ee dalka Somaliland.

Wuxuu tabararkiisa sarkaalnimmo ku soo qataay wadamadda Masar, Ingiriiska, Ciraaq iyo Jarmalka.

Ismaciil Amed Ismaciil wuxuu ku wareegay Ciidanka Asluubta isu taggii labada dal ee Somaliland iyo Soomaliya, halkaas oo madax looga dhigay ciidan curdun oo markaa la asaasay.
Wuxuu xilkaa hayey ilaa iyo 1988.

Kadib burburkii dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, wuxuu marxuumku ku soo noolaa dalalka, Itoobiya, Mareykanka, Somaliland iyo Soomaliya, oo uu dhawaan gaadhay.

Allah Ha U Naxariistee wuxuu marxuumku ifka kaga tagay, ku dhawaad, dhowr iyo tobon carruur ah iyo ubadkood.

Waxaa marxuumka lagu aasayaa magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo in loo dhigo aas qaran.

Qarannews.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this