Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Qorshe Madaxweyne Farmaajo looga wareejinayo Arimaha Doorashada oo saaka bilowdey

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhamaadey Kulankii Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada maalintiisii labaad, Kulankaasoo ay saaka qayb ka ahaayeen Mudharixiinta Madaxweynaha.

Wararka ay Puntlandi.com ka helayaan kulankaas, waxaa la islasoo qaadey in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Caqabad ku yahay in Dalku Doorasho aado sidaas awgeed ay xiligaan lama huraan tahay in uu banaanka ka joogo Howlaha loogu diyaargaroobayo Doorashada.

Madaxweynayaasha Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa arintaan ka biyo diidan, Laakiin Murashixiinta Madaxwwynaha iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo taageero ka helaya Beesha Caalamka ayaa Qorshahaan wada, waana mid u muuqda in laga dhaadhiciyo Madaxweynayaasha kale.

Waxaa lasoo jeediyey in Kulankii lagu balansanaa ee Wadatashiga Arimaha Doorashada lagu badalo Kulan cusub oo Madaxweyne Farmaajo uusan qayb ka ahayn, badalkiisana uu Raysal wasaaruhu yimaado.

beri oo Axada ayuu dhamaanayaa kulanka Madaxweynayaasha, waxaana lagasoo saarayaa Warmurtiyeed ay ku seexan yihiin waxyaabaha lagu heshiiyey.

Puntlandi.com Muqdisho

ECE6A701-8A96-4DF5-9970-55CD4556D238-732

The post Breaking News— Qorshe Madaxweyne Farmaajo looga wareejinayo Arimaha Doorashada oo saaka bilowdey appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this