Deeq A. Posted March 27, 2021 Kulan ay maanta isu’gu yimaadeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga. Mudanayaasha ayaa horay loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan xanuunka Covid-19. Waxaase buuq iyo sawaxan keenay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ay shaki ka muujiyeen in ajandayaal kale oo siyaasadeed lagu dhex qariyo daro kulanka. Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq sida laga arkayay shaashadaha telefishannada. PUNTLAND POST The post Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo buuq la furmi waayay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites