Deeq A. Posted March 27, 2021 Wararka naga soo gaarayo kulanka madaxda dowlad Gobaleedyada dalka uga socda gudaha Airport-ka magaalada Muqdisho ayaa shegaya in kulanka goordhaw ay ku biireen xubna ka tirsan midawga Musharixiinta dalka . Xubna ay hor kacayaan Mas’uuliyiinta sar sare ee Midawga Musharixiinta aya la sheegay in ay ku biireen Shirka Madaxda dowlad Gobaleedyada dalka uga socda Xerada Xalane . Madaxweeynayaasha Dowlada Gobaleedyada dalka iyo Xubnaha Midawga Musharixiinta ayaa kulanka kaga hadlaya Ajendaha shir weynaha Wadatashiga Arrimaha doorashooyinka dalka . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites