Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo Golihii Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad Balansaday iyo Shaki Laga Qabo Ajendeyaal Daahsoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka oo waqtigoodu dhammaaday ayaa maanta loo balamiyey kulan looga hadlayo arrimaha Covid 19.

Qoraal ay guddoonka xalay u direen xildhibaannadii hore waxaa ku qornaa ”Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021 waxaa xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka, Ajendaha: Covid 19. Saacaddu 09:00 subaxnimo.

Haddaba, arrintan waxaa shaki muujiyey qaar ka tirsan xildhibaannadii hore, iyada oo sheegay inuu jiro qorshe la qarinayo sida muddo kororsi, waxayna balan qaadeen iney ka hor tagi doonaan.

Xildhibaannada baarlamaanka 10-aad sida Mahad Salaad, Maxamed Idiris, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa ka horyimid tallaabo ay sheegeen in lagu damacsan yahay muddo kordhinta Farmaajo.

mah.png

hon.png dhuxul.jpg nurr.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this