Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada ah oo saaka ka dhacay wadada Beexaani ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo jugtiisu laga maqlay xaafadaha qaar ee caasimadda ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Ugu yaraan illaa saddex askari ayaa ku dhaawacanay qaraxan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska aSoomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Muqddisho ayaa waxaa malamihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaanka dari oo u badan dilal iyo qaraxyo nooca miinada ah oo geystay khasaare dhimasho & dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this