Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ka jawaabtay go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajaciso ku noqotay go’aankii ay dhawaan dowladda Kenya wakhtiga kooban ugu qabatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee ahaa in gebi ahaanba la xiro xeryahaya qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo tobaannaan kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah.”

“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga.”

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Kenya aysan dan ugu jirin dib u celinta qaxootiga oo iyada ayaaba ku qaadata malaayin lacag ah.

Kenya iyada ayaa faa’iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga.”

“Waxaan hadda wadnaa dib u xoreynta dalka oo gobolladii muhiimka ahaa sida gobolka Jubbada dhexe oo ay dadka qaxootiga qaarkood ka yimaadeen waxaa haysta Al-shabaab marka waxaan is leeyahay in hadda la siyaasadeeyo arrimaha qaxootiga ee cadowga soo barakiciyay dhulkoodii in aanay dani ugu jirin darisnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha bariga Afrika.”

Dubbe ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday inaan la siyaasadaynin arrimaha qaxootiga in Soomaaliya xitaa ay horay u qaadday tallaabooyin la xiriira ganacsiga sida joojinta qaadka ayaa sheegay in qaadka loo joojiyay ka hortagga fayraska coorna awggii.

Soomaaliya ayaa horey xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh, inkastoo markii dambe dib loo furay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this