Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax goor-dhaweyd Ruxay Muqdisho+ khasaaraha Nafeed ee ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax goor-dhaweyd Ruxay Muqdisho+ khasaaraha Nafeed ee ka dhashay

 qarax-1.jpg

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroornimadii ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare nafeed.

Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga Beexaani ayaa waxaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay oo meel durugsan laga hagayey.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala beegsaday gaadhi qooqan ah oo halkaas mareysay taasoo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowlada

Goob joogayaal ayaa ku waramay iney arkeen dhaawaca saddex askari oo waxyeelo ka soo gaadhay qaraxaas, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa ay dhibaato soo gaadhay.

Ciidamada amaanka ayaa gaadhay goobtaas oo dhowaanahan aheyd meel ay ku soo bateen qaraxyada, baadhitaano aan la ogeyn in qaraxaas dad loogu soo xidhay iyo in kale ayeyna halkaas ka sameeyeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this