Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaskii uu ka geeriyooday Ex-Madaxweyne Cali Mahdi oo iyana hadda geeriyootay+Sababta geeridada loo nisbeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xaaskii uu ka geeriyooday Ex-Madaxweyne Cali Mahdi oo iyana hadda geeriyootay+Sababta geeridada loo nisbeeyay
Xaaskii madaxweyne CALI MAHDI oo geeriyootay

Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi.

Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March.

Geerida Raxma ayaa waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook iyo twitter.

“Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri “Eebe naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, xaaska madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaana Alle ka baryayaa in uu sabar & iimaan naga wada siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون”

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this