Sign in to follow this  
Deeq A.

Alla ha u naxariistee Raxma Gacal, Xaaskii Madaxweyne Cali Mahdi oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee Raxma Maxamuud Gacal oo ahayd Marwada Madaxweynihii hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay Isbitaal ku yaal Nairobi.

Marxuumada iyo Madaxweyne Cali Mahdi labadaba waxaa la keenay Nairobi iyagoo Xanuunsan , 10 bishaan Maarso ayuu Madaxweynuhu geeriyoodey iyadoo Xaaskiisii tan iyo Xiligaas lala tacaalayay.

Maanta ayay ku geeriyootay Isbitaalka, Waxaa Illaahay looga baryayaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf labadoodaba.

Aaaamiiin Aaaamiiin

9DFB154C-42EC-4BA2-91A8-825A765C6E61-447

The post Alla ha u naxariistee Raxma Gacal, Xaaskii Madaxweyne Cali Mahdi oo geeriyootay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this