Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ku hanjabtay iney qaadi doonto tallaabo ka dhan ah Soomaalida dalkeeda ku nool

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda sida ay sheegeen warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas.

Kenya waxey ka dhawaajisay iney tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharciga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo falal argagixiso ama maalgalintaba.

Xogta la faafiyay waxaa ku jirta in Kenya ay sheegtay iney hantidooda la wareegi doonto shaqsiyaadka Soomaalida ee looga shakiyo iney maalgaliyaan argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Kenya waxey u muuqataa iney qaadeyso tallaabooyin aargoosi ah maadaama ay guuldaro kasoo gaartay kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee ahaa baddii ay muranka galisay.

Dhanka kale Kenya waxey horay ugu dhawaaqday iney xiri doonto xeryaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yahiin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabatay in laba todobaad lagu xiro xerooyinkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this