Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiinaha oo taageertay madax-bannaanida Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.

Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Shiinaha oo taageertay madax-bannaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this