Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo ka hadashay xannibaadda Kannaalka Suweys

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Masar ayaa sheegtay in ay qaadan doonto maalmo ama Asbuucyo in dib loo furo Kanaalka Suweys oo uu ku xirmay Markab weyn oo konteenaro sida.

Markabkan oo lagu magacaabo Ever Given ayaa qabsaday ciida bartamaha kanaalka oo ay isticmaalaan maraakiibta xaamulka u kala qaada caalamka oo dhan.

In ka badan 100 Markab ayaa hada ku xaniban Kanaalka arrintan oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato suuqayada Caalamka.

Hawsha lagu furayo Kanaalka ayaa socota iyadoo aan weli lagu guuleysan in markabka Kanaalka xiray halkaasi laga jiido.

PUNTLAND POST

The post Masar oo ka hadashay xannibaadda Kannaalka Suweys appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this