Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Xijaar oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   
2-10.jpg?resize=1000%2C513&ssl=1

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay sugidda amniga doorashooyinka oo ciidanka booliiska lafdhabar u yihiin nabadgeliyadda wadanka iyo xoojinta taageerada UK ay siiso booliiska.

Labada mas’uul ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho, danjiraha ayaa bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska.

Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo.

PUNTLAND POST

The post Taliye Xijaar oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this