Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Abgaal oo soo bandhigay qodob Puntland u saamaxaya in ay Soomaaliya ka go’do

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Wasiir Abgaal oo ka hadlayay kulan maanta ka qabsoomay duleedka Garoowe, ayaa tilmaamay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay.

PUNTLAND POST

The post Xasan Abgaal oo soo bandhigay qodob Puntland u saamaxaya in ay Soomaaliya ka go’do appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this