Deeq A. Posted March 25, 2021 Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo dowladda isku dhiibay shalay kadib wadahadal dhexmaray ayaa galabta ka soo degay magaalada Muqdisho. Cabdirashiid Janan oo la socdeen wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka soo duulay degmada Duulow ee gobolka Gedo, halkaas oo maanta uu ku wareejiyay dowladda hub iyo ciidan uu watay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay Cabdirashiid Janan danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa shalay qoraal ay soo saaray ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan ayaa Dowladda Federaalka u aqoonsan tahay wasiirka amniga Jubaland, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay in uu xilkaas ka qaaday. PUNTAND POST The post Cabdirashiid Janan oo laga dejiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites