Sign in to follow this  
Deeq A.

Armaa lakhiyaamay Wasiir Cabdirashiid Janan, kolkaanse ayaa Xabsiga kasoo deyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar badan oo waxaa jira sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Khiyaamo la damacsan yahay Wasiirkii hore ee Jubbaland Cabdirshiid Janan, oo Heshiiska lala galay uu ahaa mid lagusoo Xero galinayay.

Dad badan oo u dhuun daloola Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ma aaminsana in si sahlan uu Cabdirshiid Janan kula joogo doono Madaxweyne Farmaajo.

Gobolka Gedo waxaa hada saameynweyn ku leh rag ay Cadaawad Fog dhex martay Cabdirshiid Janan Mudadii uu Xabsiga Muqdisho uga jiray ilaa dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Baledxaawo, sida nagu Magaalo ahna Ragaas Way kasoo horjeedeen Wadahadalka lala furay Cabdirshiid Janan, Wayna adagtahay in iyaga iyo Cabdirshiid Janan ay wada joogaan Gobolka, Arintaan waatan dhalisay in Dad badan ay ka shakisan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu dabin u dhigay Janan.

Waxay aad ugu badan tahay in Madaxweyne Farmaajo uu Xabsi dhigi doono Wasiir hore Janan, Hadii taasi dhacdo yaa u tol ah Cabdirshiid, Ilayn sidaan wada ogsoonahay Soo fakashadiisii hore waxaa qayb weyn ka qaatay Madaxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiin Reer Muqdisho ah oo Mucaarad ku ah Farmaajo.

Janan maanta ayuu ka dagay Magaalada Muqdisho isagoo uu weheliyo Ninka Magaca dheer ee aan aalaaba la arag Fahad Yaasiin

Puntlandi.com Kismaayo

57B513A9-FE7C-4430-8440-FF1872858150.jpe

The post Armaa lakhiyaamay Wasiir Cabdirashiid Janan, kolkaanse ayaa Xabsiga kasoo deyn appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this