Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Soomaaliya oo Amniga degmadii u horraysay kala wareegay Ciidamada AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   
1-17.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Ciidamada milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mas’uuliyadda amniga ee degmada Afgooye kala wareegay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xaflad lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka qeybgalay, saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ku xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12 Abrill ee milateriga dalka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka dhulka janaraal Tahliil ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ay AMISOM kala wareegaan amniga degmada Afgooye, isagoo AMISOM ugu mahad celiyay gacantii ay ku laaheeyn sugidda ammaanka Soomaaliya.

General Shume, ah ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in talaabadan ay ku jirtay qorshaha kala guurka oo dhigayay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Soomaaliya oo Amniga degmadii u horraysay kala wareegay Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this