Sign in to follow this  
Deeq A.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo tababar loogu soo xiray Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
PMPF.jpg?resize=714%2C453&ssl=1

Cutubyo kala duwan, oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF, ayaa maanta tababar mudda u socday loogu soo xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Cutubyadan oo loo carbiyay takhakhusaad kala duwan, waxa tababarka loogu soo xiray taliska guud ee ciidanka PMPF ku leeyahay Boosaaso, halkaas oo ay ku soo bandhigeen wixi la baray.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankan.

Madaxda iyo saraakiishi ka qayb-gashay munaasabadda xiritaanka tababarkaas ayaa bogaadiyay tababarka iyo dib u habaynta dowladdu ku wado qaybaha ciidamada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo tababar loogu soo xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this