Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Jubbaland ka tiri heshiiska Janan & dowladda dhexe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubbaland, Mudane Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay heshiiska C/rashiid Janan iyo dowladda dhexe

Cabdii Xuseen ayaa marka hore shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uusan wax saameyn ku yeelan doonin mowqifka Jubbaland ee gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Janan uu ahaa xubin ka tirsan Jubbaland, balse ay ciidamadooda weli joogaan meelihii ay ku sugnaayeen.

”Heshiiskaasi mar danbe ayaan ka war helnay muhiim ma’aha waqtigii uu soo socda wada hadalkan, laakiin waxaa muhiim ah in uu hadda heshiis dhacay, Annaga ka Jubbaland ahaan waxba iskama badalin mowqifkeenii Gedo, ciidamadiina sidoodii ayeey u joogaan aagagii aan ugu talagalnay,’ ayuu yiri wasiirka wasaaradd warfaafinta Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la bedalay Janan, islamarkaana shaqadii uu hayey ay halkeeda kasii socon doonto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this