Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ku dhow Xalane + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Faha faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro hoobiyeyaal ah oo maanta ku dhacay xaafado ku dhow xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay daganaayeen dad shacab ah, islamarkaana uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in hoobiyeyaashaasi ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Waa weerarkii labaad oo todobaadyo gudahood lagu qaadayo xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidanka AMISOM, sidoo kale ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah madax goboleedyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this