Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow Qoomiyadda Afrikaana oo haweenay boqorad ka dhigatay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow Qoomiyadda Afrikaana oo haweenay boqorad ka dhigatay?

Sawir laga qaaday boqoradda horraantii 1970-aadkii intaan la guursan
Sawir laga qaaday boqoradda horraantii 1970-aadkii intaan la guursan

Qoyska boqortooyada qoomiyadda Zulu ee Koonfur Afrika ayaa afadii saddexaad ee boqorkii geeriyooday Goodwill Zwelithini u magacaabay in ay xilka sii hayso ilaa inta la dooranayo boqor cusub.

Boqoradda Mantfombi MaDlamini Zulu ayaa hore ba darajadeedu u ahayd “Afada Haybadda leh” tan iyo waagii uu boqorku guursaday 1977.

Magacaabideedu waxay sii kordhisay hadal hayntii ahayd in wiilasheeda midkood noqon doono boqorka qoomiyada Zulu oo 11 milyan oo qof ah.

Boqor Goodwill Zwelithini oo 72 jir ahaa oo qabay macaan ayaa 12 Maarij u geeriyooday dhibaatooyin caafimaad oo la hal maala cudurka Covid-19.

Wuxu ahaa boqorkii ugu mudada dheeraa oo wuxuu xilka hayey ku dhawaad muddo 50 sano ah. waxaanu lahaa lix xaas iyo ugu yaraan 6 caruur ah.

Saddex ka mid ah xaasaskii boqorku ka tagey oo fadhiya madashii tacsida
Saddex ka mid ah xaasaskii boqorku ka tagey oo fadhiya madashii tacsida

Magacaabidda MaDlamini waxa la shaaciyey ka dib kulan ay yeesheen qareennada boqorkii geeriyooday Zwelithin iyo 200 oo qof oo ka mid ah qoyska reer boqor oo dardaarankii qornaa ee uu ka tagay boqorku ka wada xaajooday.

Ra’isal wasaare dhaqameedka boqorkii geeriyooday, Mangosuthu Buthelezi, ayaa sheegay in magacaabidda afada boqorku ku caddayd dardaarankii boqorka.

Qoyska boqortooyadu wuxuu wadi doonaa baroor diiq mudo saddex bilood ah marka dambena waxa la gaadhi doonaa go’aanka lagu soo xulayo qofka noqon doona boqorka, ayuu yidhi Buthelezi.

Waxaanu intaa ku daray “geeridii boqorkii haybadda lahaa waxay nabar weyn ku ahayd qoyska boqortooyada waxaana haboon in ay helaan mudo ay murugada kaga soo kabtaan.”

Boqor Zwelithini waxa la aasay Khamiistii oo waxa aaska ka qayb galayn dad kooban oo ka mid ah qoyska boqortooyada.

Buthelezi oo dhanka bidix taagani wuxuu adeer u ahaa boqor Goodwill Zwelithini dhanka bidix taagan
Buthelezi oo dhanka bidix taagani wuxuu adeer u ahaa boqor Goodwill Zwelithini dhanka bidix taagan

Maxaa kale ee laga yaqaan haweenaydan xilka sii haynaysa?

Boqoradda MaDlamini Zulu way ka tilmaanayd xaasaska boqorka tan iyo markii ay qoyska boqortooyada ku biirtay.

Waxay walaalo yihiin boqorka Eswatini ee Boqor Mswati III oo ah boqorka keliya ee Afrika ee awood buuxda dal ku xukuma.

Sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Koonfur Afrika, boqoradda MaDlamini waxay dhashay sideed caruur ah oo ay afar wiilal yihiin.

Wiilkeeda curad, Amiir Misuzulu, waa 47 jir waana ninka lagu wado in taajka boqortooyada la saari doono sida ay wararku sheegeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this