Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada Dayniile

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ahaa nooca miinada soo boodada ah, kaas oo ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo uu la socday sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah waxaa qaraxan ku dhintay sarkaalka lala beegsaday oo magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka iyo dhaawacyada kasoo qaaday halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac shacabka loo geysto xilliyada habeenkii ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this