Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Amnesty Oo Codsatay In Cabdirashiid Janan Caddaalada La Horgeeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay caddaaladda horgeeyso Cabdirashiid Janan oo shalay la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.

Amnesty ayaa sheegtay in xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay Cabdirashiid Janaan gobolka Gedo loona baahan yahay in sharciga la horgeeyo.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay Janan inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaadhay waxa ay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed kooban oo ay soo saartay Amnesty International.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledxaawo isagoo ay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this