Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Oo Booqasho Ku Tegay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya  Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi  oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka  Sacuudiga.

Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this