Sign in to follow this  
Deeq A.

Boorama: Ogsajiin La’aan Soo Wajahday Shacabka Iyo Bukaano Qaba Cudurka Coronavirus Oo Ay Eheladoodu Dhinaca Hargeysa U Soo Qadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boorama)-Xildhibaan Xasan Jaceyl oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmadda Boorama ayaa sheegay in ay ogsajiin la’aani soo waajaday magaalada Boorama iyo guud ahaan-ba gobolka Awdal, taas oo sababtay in bukaanada uu asiibo cudurka karoona fayras ay eheladoodu u soo qadaan Magaalada Hargeysa si halkaas loogu dabiibo oo ay u hellaan daryeel caafimaad iyo ogsajiin.

Xildhinaan Xasan Jacayl ayaa waxa kale oo uu sheegay inay jidka Hargeysa iyo Boorama u dhexeeya ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay haweenay,taas oo loo soo wadday in lagu dabiibo cisbitaalada Magaalada Hargeysa,balse aan la soo gaadhsiin ee ay jidkaas ku geeriyootay,waxaanu sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka Eryal tv

Xildhibaan Xasan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan :-“Wasaaradda Caafimaadkii wey ku fashilantay halkaas ceeb ayaa ka raacday sababtoo ah maanta gobolkii intaa leeg haamihisii wey dhammaadeen ogsajiinta ahaa wax alaale wax haamo ah oo yaallaa ma jirraan dhawr xabbo ayaa la sheegayeen,ogsajiin dhaliyihii weynaa Magaalada Hargeysa ayuu yaallaa halkaas ayaa loo doonnayaa ogsajiin,waxaasina wax loo dul-qaadan karro maaha maxay qabanayaa.’’

Sidoo kalena Xildhibaanka ayaa sheegay in haweenay loo soo siday cisbitaalada Hargeysa inay ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay jidka u dhaxeeya Boorama iyo Hargeysa “ Waxa igu maqaalo ah gabadh Hargeysa ku socotay inay dhex-da ugu dhimatay Ogsajiin la’aan.” Xildhibaan Xasan Jacayl.

Dhanka kalene mid kamid ah Bulshada Boorama ayaa isna ka hadlay xaaladaasi ayaa sheegay sidan:- “ Sida aad ogtihiinba waxa ka jirra ogsajiin la’aan gobolka Awdal gaar ahaan degmadda Boorama ,taas oo sababtay inay shaqsiyaad baddan ay ugu dhiteen Magaalada Boorama billaa ogsajiin la’aan oo xattaa kii lacag haystay uu u doonnanayo Magaalada Hargeysa kaas-na inta loo sii sido ama loo soo waddo ayuu ku neef qabatoomayaa dhakhtarka Magaalada Boorama dhex-diisa”.

Xaaladda Halista ah ee cudurka Karoona Fayras ayaa si weyn ugu laba kacleeyey Somaliland iyada oo dhammaanba magaalooyinka waaweyn si weyn looga dayrinayo xaaladda dadka bukaabka ahi ku sugan yihiin iyada oo ay xaddiga uu soo ridanayaa aad u sarrayso sidoo kalena aanay dadku haysan adeegyo caafimaad maadaama marka horeba dalku si weyn uga liitay dhinaca adeegga caafimaadka. Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa la sheegay in xaddiga tirade dadka uu soo ridanayo maalin walba ay tahay mid aad u soo kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa shacabkuna werwer badan qabaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this