Sign in to follow this  
Deeq A.

Daafaca Chelsea ee Thiago Silva oo diyaar u ah inuu sii joogo garoonka Stamford Bridge

Recommended Posts

Deeq A.   

Daafaca dhexe ee Thiago Silva ayaa la soo warinayaa inuu diyaar u yahay inuu sii joogo kooxdiisa Chelsea ee ka dhisan Galbeedka Magaalada London.

Sida lagu daabacay Wargeyska The Sun, Thiago Silva ayaa doonaya inuu kordhiyo qandaraaska uu kula joogo Kooxda Chelsea.

Waqtigiisii Magaalada London illaa iyo hadda waxa uu muujinayaa mid raaxo leh, inkastoo ay jiraan dib u dhacyo ay sababeen dhaawacyo soo gaaray laacibkan.

36-sano jirkaan reer Brazil ee daafaca dhexe ka dheela ayaa ku guuldarreystay inuu waqti badan u ciyaaro kooxdiisa Blues sanadkaan, sababo la xiriira dhaawac bowdada ah oo uu la maqnaa.

Wararku waxa intaa ku darayaan in daafaca Chelsea ee Thiago Silva uu haatan qarka u saaran yahay inuu hal sano ku kordhiyo heshiiskiisa garoonka Stamford Bridge.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this