Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo cambaareysay falkii ay ciidanka Puntland ka geysteen Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.

Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

– Dhamaad-

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this