Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo kulan la yeelaneysa madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand ayaa lagu wadaa maanta inay kula kulmaaan magaalada Muqdisho wakiilada xubnaha beesha Caalamka.

 Wararka ayaa sheegaya in uulankan uu ka dhacayo Tendhada Afisyoone kadib markii wadahadalo gaar gaar ah ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa shirkan  looga hadlayaa sidii heshiis loogaga gaari lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Si kastaba beesha caalamka ayaa wada dadaalo xoog leh oo lagu doonayo in laga gaaro xal kama dambeys ah khilaafka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this