Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wada-tashiga Afisyooni oo galay maalintii Afraad

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka oo soo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galay maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay  Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.

Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo,iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul wasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboledyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga  dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this