Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Federaalka: Puntland waxay xabad u adeegsatay mudaharaad ka dhacay Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhahar.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Ciidamada Puntland ay xabbad u adeegsadeen bannaanbax nabadeed oo ka dhacay magaalada Dhahar.

Qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka SONNA, ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xuntahay in Ciidamada Puntland ay xoog iyo xabbad u adeegsadeen  bulshada ku dhaqan Dhahar oo samaynayay bannaanbax nabadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.”

Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Federaalka: Puntland waxay xabad u adeegsatay mudaharaad ka dhacay Dhahar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this