Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku Xigeenkii Amiirkii Dubai Sheikh Hamdan Bin Rashid Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Ku xigeenkii Amiirkii Imaarada Dubai, Sheikh Hamdan bin Rashid Al Maktoum oo ahaa 75 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu bilihii la soo dhaafay uu xanuunsanayay.

Sheikh Hamdan, wuxuu kale oo uu muddo dheer ahaa wasiirka Maaliyadda ee Imaaraadka Carabta, waxana ay walaalo ahaayeen ninka hadda xukuma Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Sheikh Hamdan wuxuu dhashay 25-kii bishii Diseembar 1949, wuxuu ahaa wiilkii labaad ee uu dhalay amiirkii waqtigiisu dhammaaday ee Sheikh Rashid Bin Saeed Al Maktoum.

Sheikh Hamdan wuxuu hayey jagada wasiirka maaliyada tan iyo markii la magacaabay golahii wasiirada ee ugu horreeyey 1971 kadib dhismihii Imaaraadka oo uu sameeyey Amiirkii geeriyooday, Sheikh Zayed Al Nahyan.

Waxaa lagu ammaanay inuu Dubai u rogay xarun caalami ah oo ganacsi iyo dalxiis, wuxuuna hoggaaminayay wufuud Imaaraad ah oo ka socday Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Ururka Sanduuqa Dhoofinta Batroolka ee Horumarinta Caalamiga.

Sheikh Hamdan wuxuu xukumay shirkado badan oo gaar loo leeyahay kuwaasoo qeyb ka ah dhaqaalaha Dubai, sida Maamulka Dekedaha Dubai, Xarunta Ganacsiga Dunida ee Dubai iyo Shirkadda Gaaska Dabiiciga ee Dubai.

Sida walaalkiis oo kale, wuxuu magac weyn ku helay tartanka fardaha ee Imaaraadka, asaga oo aasaasay Shadwell Racing sannadkii 1981.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this