Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay faragelin shisheeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalkeenna ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soosaareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.”

Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee aan ka soo qeyb gelin Shirka muddadii saddexda cisho ahayd ee aad la soo dhaafay in ay ku soo biiraan, ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this