Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lala beegsadey Bas, magaala xuduudeedka Mandheera

Recommended Posts

Deeq A.   

Bileyska Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada Sadex Qof oo ahaa Rakaab saaran Gaari Bus ah oo Qarax la kacay wadada Arabia Road ee Magaalada Mandheera, ugu yaraan dhowr iyo toban Qof ayaa dhacday waxaana loo qaadey Isbitaalka Mandheera.

Qaraxa ayaa ahaa nooca dhulka lagu aaso, Baska oo subaxnimadii hore kasoo baxay Tuulada Afey ayaa wuxuu soo galayay Mandhera.

Falkaan waxaa looga shakisan yahay inay Al-shabaab ay Xalay ku aaseen Qaraxa, laakiin waxaa hada baaritaan wada Ciidamada Booliska oo kaashanaya xeeldheerayaasha Waxyaabaha Qarxa.

Ilaa hada cidna ma sheegan Qaraxa, Sawirka hoose waa Baska la qarxiyay

Puntlandi.com Nairobi

E9567BF6-73FD-4B2A-A301-6854E9B0F968-800

The post Qarax lala beegsadey Bas, magaala xuduudeedka Mandheera appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this