Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo tan iyo shalay afka furatay, Qayladiina ka dhamaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya waxay maanta Maraysaa in Beesha Caalamku ay Madaxa gacanta saaraan isla markaasna qayladii ka dhamaatay iyagoo arkaya wadada uu ku socdo gaariga ay ka buuxaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaarigaasoo hada kusii dhow buundo dhexda kakala go’an.

Maraykanka, Norway, Midowga Yurub oo isku duuban iyo Qaramada Midoobay oo matalaya Guud ahaan Saaxibada Soomaaliya waxay ilaa shalay soo tuurayeen qaylodhaan ku socota Siyaasiyiinta Soomaalida oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliyeed waxayna ugu baaqayeen in miis la isugu yimaado lana muujiyo Masuuliyad iyo Tanaasul si Dalku u aado Doorasho loo siman yahay.

Maanta oo u dambaysay (Arbaco 24/3,2021) Qaramada Midoobay ayaa Qoraal ay soo saareen waxay ka digeen isku Day walba oo la isku dayo in wakhti kororsi la sameeyo, inkastoo sida muuqata Madaxda Soomaalidu ay tan iyo Shalay u muuqdeen kuwo aad ukala fogaadey.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sii wadaa Shirkii uusan ku casumin Maamulada oo dhan, Halka Maamulada Shirkaan ka maqan ay iyana bilaabeen Shir feer socda oo ay ku weheliyaan Siyaasiyiinta ugu Tunka weyn Musharixiinta Madaxweynaha.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aad ugu dhuun daloola Xaalada Dalka waxay isku raaceen in hadii xaalku sidaas ku sii socdo ay khasab noqonayso in Dalka loo sameeyo Roadmap- Cusub, hadii taasi dhacdo waxay noqonaysaa markii labaad oo Roadmap laga badbaadiyo xiliga kala guurka. Kolkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa Raysal wasaare ahaa oo Xilka looga xayuubiyay Kampala, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne ah.

Puntlandi.com

D9241680-EAFB-4012-9098-C63F29B9A2A0.jpe

The post Beesha Caalamka oo tan iyo shalay afka furatay, Qayladiina ka dhamaatay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this