Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdirashiid Janan oo ku wajahan degmada Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wasiirkii hore amniga Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) laga dareemayo magaalada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Janan ayaa lagu soo warramayaa in haatan isaga iyo ciidamo uu wato ay ku sugan yihiin tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa halkaasi kusii jeeda wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu qeyb ka yahay taliyaha NISA, kuwaas oo dhameystirayo heshiiska dhex-maraya labada dhinac.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu xil ka qaadis ku sameeyey wasiir Janan oo maalmahaan ku sugnaa duleedka Beledxaawo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this