Deeq A. Posted March 24, 2021 Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay albaabada isugu dhufaneyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab & Kaakuma oo ay deganyihiin boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah. Kenya ayaa qoraal ay soo saartay u dirtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, si ay labo todobaad gudahooda ugu xirto xeryahaasi. Wasiirka arimaha gudaha Kenya Fred Matiang ayaa wakiilka UNHCR u fadhiya Kenya u gudbiyey warqada xambaarsan go’aanka lagu xirayo xeryaha Dhadhaab & Kaakuma. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay go’aankeeda u cuskaneyso walaac ay ka muujisay khataraha weeraro laga soo abaabulo labadaasi xero ee qaxootiga. Ugu dambeyn Kenya ayaa sheegtay haddii ay labo todobaad dib uga dhacdo UNHCR, iyada oo aan wax tallaab ah la qaadin ay qaxootiga xeryahaasi dib ugu celineyso dalalkooda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites