Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii saddexaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka ayaa maalintii Saddexaad galay, xilli shalay Warbixin looga dhageystay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka.

Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana laga sugaa in ay shirka ku biiraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Ujeedka shirkan wuxuu yahay dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta Heshiiskii 17-kii sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this