Deeq A. Posted March 24, 2021 Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidamo gaaraya 2,416 askari oo mudo hal sano ah ka qeyb ka qaaadan doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Abaanduulaha ciidamada difaaca Uganda General David Muhoozi oo ka qeyb-galay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay ciidamadaasi ka mid noqonaya howl-galka AMISOM ayaa sheegay in ay qeyb libaax leh ka qaadan nabad ilaalinta Soomaaliya. Taliyaha xarunta taageerada howl-gallada iyo tababarada oo munaasabadda sagootinta ah lagu qabtay General Bonny Wolimbwa ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay tababar qaadanayeen muddo sanad ah, kahor inta aan loo soo dirin Soomaaliya. Wolimbwa ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamadan ay noqonayaan kuwii labaad ee tababar ay siiyaan saraakiil Uganda u dhashay ee ka qeyb galaya howl-galka AMISOM. Uganda oo ciidamo ku leh howl-galka AMISOM ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6,000 oo askari kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya howl-galka Midowga Africa ee AMISOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites