Sign in to follow this  
Deeq A.

“Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor Ha U Soo Diyaar Garoobo Dood Uu Ila Galo Oo Fagaare Ah Oo Shacbiga Somaliland Makhraati Ka Yihiin….” Xoghaye Khadar Oo U Jawaabay Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga ee WADDANI ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedaymo uga yimid wasiirka wasaaradda gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan

Xoghaye Khadar ayaa yidhi “Dawladnimada Xisbiga KULMIYE ee musuqa, caddaalad darrada iyo eexdu sumadda & sowraca u tahay laguma difaaci karo hebello laga been abuurto, Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor haddii uu diyaar u yahay in uu dood ku difaaco hoggaaminta fashilantay, hagaastay ee Xukuumadda uu ka midka yahay, ha u soo diyaar garoobo dood uu ila galo oo fagaare ah oo shacbiga Somaliland makhraati ka yihiin.

Haddii aanu dooddaas awoodi karayninna ha iska aamuso oo ha dhex fadhiyo uun Wasaaradda uu xarunta ganacsiga u beddelay ee aanu aqoonta iyo kartida midna ku joogin.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this