Deeq A. Posted March 24, 2021 Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Antonio Guteres uu ka walaacsanyahay xasilooni darada Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in is mari-waaga siyaasadeed oo dheeraaday uu khatar weyn ku yahay xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo xilligan wajahaya xaalado ammaan iyo kuwo bin’aadanimo. Mr Guteres ayaa sidoo kale tilmaamay in Qaramada Midoobay ay ku boorineyso dowladda federaalka iyo hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka in ay yeeshaan wada-hadallo dhammeystiran oo shuruud la’aan ah, si xal waara looga gaaro khilaafyada hareeyay geedi socodka arrimaha adoorashooyinka qaran ee 2021-ka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay heshiiska 17-kii Septemper ,iyadoo ku baaqday in si degdeg ah la’isugu raaco dhaqan-gelinta heshiiskaasi. Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in sii laba jibaarto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo horumarka dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites