Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XF oo la kulmay Imaamka Azhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxmaed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa la kulmay Imaamka Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif Dr Axmed Al-Dayib.

Imaamka ayaa ballan qaaday in Jaamacadda Azhar ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso wax kasta oo la xariira waxbarashada.

Imaamku wuxu intaas ku daray inay ku guda jiraan sidii ay Soomaaliya ugu tababari lahaayeen imaamyada masaajidda, si kor loogu qaado aqoontooda diinta.

Imaamka ayaa carrabka ku adkeeyay, sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado sidii loola dagaalami lahaa fikirka xagjirnimada ah ee ay xanbaarsanyihiin kooxo aan aqoon u lahayn diinta Islaamka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dadka Soomaaliyeed abaal weyn u hayaan Jaamacadda Al-Azhar, isagoo u mahadceliyay Imaamka iyo maamulka Jaamacadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this