Deeq A. Posted March 23, 2021 Gantaalaha Kuuriyada Waqooyi Warbaahinta Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku warrantay, in Kuuriyada Waqooyi ay dhammaadki todobaadki hore tijaabisay ugu yaraan laba gantaal oo ah nuuca riddada gaaban.Wargeyska Washington Post oo marki ugu horreysay warbixintaan faafiyay ayaa sheegay, in gantaalladaasi ay ahaayeen kuwi ugu horreeyay ee ay xukuumadda Pyongyang riddo ku dhawaad muddo hal sano ah.Ma jirto faah-faahin ku aadan nuuca saxda ah ee gantaallada, goorta la tuuray iyo inta ay la egtahay fogaanta ay gaareen. Sidoo kale ma jirto war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha dhanka difaaca ee dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed oo ku aadan gantaalladaasi la sheegay in ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.Hase ahaatee, haddii si rasmi ah gantaalladaasi loo xaqiijiyo ayaa waxay ku soo aadi doonaan, maalmo kaddib marki ay Xoghayayaasha Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd Austin iyo Antony Blinken booqdeen dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Japan. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo gantaallo tijaabisay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites