Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi oo gantaallo tijaabisay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-16.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1Gantaalaha Kuuriyada Waqooyi

Warbaahinta Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku warrantay, in Kuuriyada Waqooyi ay dhammaadki todobaadki hore tijaabisay ugu yaraan laba gantaal oo ah nuuca riddada gaaban.

Wargeyska Washington Post oo marki ugu horreysay warbixintaan faafiyay ayaa sheegay, in gantaalladaasi ay ahaayeen kuwi ugu horreeyay ee ay xukuumadda Pyongyang riddo ku dhawaad muddo hal sano ah.

Ma jirto faah-faahin ku aadan nuuca saxda ah ee gantaallada, goorta la tuuray iyo inta ay la egtahay fogaanta ay gaareen. Sidoo kale ma jirto war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha dhanka difaaca ee dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed oo ku aadan gantaalladaasi la sheegay in ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Hase ahaatee, haddii si rasmi ah gantaalladaasi loo xaqiijiyo ayaa waxay ku soo aadi doonaan, maalmo kaddib marki ay Xoghayayaasha Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd Austin iyo Antony Blinken booqdeen dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

PUNTLAND POST

The post Kuuriyada Waqooyi oo gantaallo tijaabisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this