Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo Digniin Culus u diray Madaxda Soomaalida+Cawaaqibkay la kulmi doonaan & Talaabada laga qaadi doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub oo Digniin Culus u diray Madaxda Soomaalida

Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda ahna Madaxweyne ku xigeenka Josep Borrell. on March 22, 2021. (Photo by Aris OIkonomou / POOL / AFP)
Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda ahna Madaxweyne ku xigeenka Josep Borrell

Ururka Midowga Yurub ayaa Talaadadi ugu hanjabay hogaamiyaasha Soomaalida, gaar ahaan kuwa wiiqaya wadahadallada doorashooyinka, in ay la kulmi doonaan cawaaqib ka dhasha ficilladooda.

War saxaafadeed xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Bayaanka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha siyaasadeed ay naftooda ceebeeyaan si ay u matallaan muwaadiniintooda, marka ay danahooda shakhsiyadeed ka hormariyaan danta guud.

“Kuwa wiiqaya wadahadalka ama miciin bida in ay adeegsadaan qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxaya wajahi doonaan cawaaqib ku aadan ficilladooda.” Ayuu lagu yiri warka Talaadadi shalay kasoo baxay Midowga Yurub.

Madaxda Soomaaliya ayaanan wali heshiis ka gaarin doorashada baarlamaaniga iyo tan madaxtinimada, kaddib marki uu bishi Febraayo ee sannadkaan dhamaaday, mudda xileedki madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo.

Midowga Yurub ayaa dhaqaalo xooggan ku bixiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Howlgalka Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this