Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Madasha Badbaado Qaran ay Warbixin dacwo ah u direen Talyaaniga iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog ku heleen, Madasha Badbaadi Qaran ayaa warqadi dacwo ah u diray Dalalka Talyaaniga iyo Turkiga waxayna muujiyeen Walaaca ay ka qabaan dhaqaalaha Dalalkaas siiyaan Dowlada Federaalka oo loo isticmaalay Arimo Siyaasadeed.

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Xiligiisii uu Xafiiska joogay ayaa Dalka Turkigu bilaabay dhaqaalaha ay ku taageeraan Soomaaliya, ujeedkuna wuxuu ahaa in Ciidamada Soomaaliya ay ka itaal roonaadaan Cadawga Al-shabaab la baxay iyo in Soomaaliya laga taageero dib ugasoo kabashada Dagaalada iyo dib udhaca Deegaan.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa iyana xiligii Madaxweyne Shariif Sheikh iyo Xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh Xasan Sheikh waxay bilaabeen inay bixiyaan Mushaarka Ciidamada Dowlada Federaalka 70% inkastoo lacagtaas qaarkeed hakad galay labo Sanad ka hor.

Ingiriiska ayaa isna si gooni ah u bilaabay inuu Koonfur Galbeed ka taageero Bileyska Xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh laakiin sidii Xilka looga tuuray Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Sheikh Aaden taageerayaas hakad ayaa galay io Ingiriisku waxay ka xumaadeen qaabkii loo doortay Madaxweyne Laftagareen oo Dad ay ku geeriyoodeen.

Laakiin Xukuumada Madaxweyne Farmaajo waxay Dhaqaalahaas iyo taakulayntaas uga faa’iideystaan oo u adeegsadeen dano Siyaasadeed, waxaa shaqadii laga eryay dhamaan Ciidamadii Qalabka sidey ee loo arkayay inaysan la jaanqaadi karin Siyaasda Xukuumada Farmaajo, si tartiib tartiib ah ayaana loo siibay Ciidamadaas haba u badnaayeen Kuwii la haybta ahaa Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif, waxaana la dhisay Ciidamo lasoo aruurshay lana soo tababaray, Mushaarkii Reer Galbeedka oo Talyaanigu ugu horeeyo ay siinayeen Ciidamada waxaa lagusoo koobay oo qura Ciidamada Daacada u ah Madaxweyne Farmaajo, waxoogaa waxaa loo tuuraa Ciidamada kooban ee ilaaliya Madaxdii hore iyo Madaxda wali Xilka haya.

Xog ay heleen Howlwadeenada Puntlandi, Mucaaradka oo ka faa’iideysanaya Khibrada Madaxweyne Xasan Sheikh oo waxbadan ka og qaabka lagu keenay in Talyaaniga iyo Turkigu ay taageeraan Ciidamada Soomaaliya ayaa Warbixin dheer oo ay ku jirto Walaaca laga qabo Hubka lagu daabulayo Gobolka Gedo iyo hanjabaada loo jeediyay Xeyndaabka Xalane iyo waliba Falalkii ay Ciidamada Daacada u ah Xukuumada Farmaajo ay u geysteen Shacabka iyo Siyaasiyiinta waxay u direen Labadaan Dal iyo Dalalka kale ee taageera Ciidamada Soomaaliya, waxay kaloo Warbixinta la la wadaageen (Cc) Beesha Caalamka ee kale.

Talyaanigu wuxuu maanta soo diray Wasiirka Difaaca Guerrini Lorenzo, sababta uu u yimidna waa saas, inkastoo aan la shaacin waxyaabaha uu kala hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka hadana waxaa jira warar sheegaya in lagala hadlay walaacaan soo kordhaya.

Turkiga qudhooda waxaa lagu wadaa inay soo diraan Wasiir si loo hubiyo in kaalmada ay bixiyaan aan laga laeexin ujeedkii laga lahaa.

Waxaa jira warar Madax banaan oo sheegaya in Laga cabsi qabo in hakad lagaliyo Mushaarka la siiyo Ciidamada Dowlada Federaalka marka laga reebo Ciidamada ku jira furimaha hore ee ay wada shaqeeyaan Amisom.

Warbixintaan waxaa naga caawiyay Saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka, waan uga mahadcelinaynaa

Puntlandi.com Muqdisho

F83154FE-5A89-411F-891A-3EBDF6BB201B.jpe 6805FAEB-2300-4940-A5F6-6B5A9F5196F1-750

The post Maxaa ka jira in Madasha Badbaado Qaran ay Warbixin dacwo ah u direen Talyaaniga iyo Turkiga appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this