Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Talyaani ah oo yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1616520139717.jpg?resize=720%2C40

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guerrini Lorenzo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xagaa oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo wasiirka difaaca Talyaaniga ayaa si wadajir ah waxay salaam ugu qaataan cutubyo ka tirsan ciidmada Soomaaliya, waxaana ciidmadu ay goobta ka qaadeen astaamaha qaran ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

FB_IMG_1616520161752.jpg?resize=720%2C40

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Talyaaniga iyo mas’uuliyiintii soo dhaweysay Soomaaliya ayaa kulan wada qaatay, kaas oo looga hadlay xiriirka labada labada dowladood, waxaana intii kulanku socday khadka taleefanka ugu qeybgalay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa.

Guerrini Lorenzo wasiirka difaaca Talyaaniga ayaa sheegay in uu Soomaaliya uu u yimid in uu sii xoojiyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dalka ka dhexeeya.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee dhanka ciidanka iyo horumarinta kale ka taageera dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Talyaani ah oo yimid Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this