Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo gaadiid aan xabada karin ka dejisay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhoweyd ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow diyaarad siday gaadiidka aanay xabadu karin.

Gawaadhida laga dejiyay Doolow ayaa waxa garoonka degmadaas kula wareegay Guddoomiyaha degmada Doolow, Cali Faarax Mire, Taliye Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA ee degmadaas.

Si cad weli looma oga cida gawaaridaas ay u wado dowladda federaalka, waxayna kusoo aadayaan xili ay maanta soo baxday in Wasiirka amniga Jubbaland oo si weyn isku hayaan uu wada-hadal la furay dowladda, si heshiis looga gaaro xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Gedo.

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa isagu shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo.

Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda lamid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada, isagoona meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka.

Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda federaalka waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

164116946_3913858595327133_1375014894975 163897746_3913862361993423_4647894860994 164293356_3913863558659970_5222175508635 163930751_1400043723695389_3339974908862

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this