Sign in to follow this  
Deeq A.

Badbaado Qaran oo shir uga furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16165167480362323.jpg?resize=720%

Madasha la magacbaxday Badbaado Qaran ayaa markii ugu horreysay shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin kale, waxayna sheegeen in ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

FB_IMG_16165165659672531.jpg?resize=720%

Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta markii kulnkaasi soo dhammaaday ayaa sheegay in kulamada Madashu ay sii socon doonaan, inta la gaarayo wax ay heshiis tahay Soomaalidu.

Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha Badbaado Qaran

Shirkan ayaa imanaya, iyadoo maalintii labaad xarunta Afisyoone ee Muqdisho shir ay Puntland iyo Jubaland ka maqan yihiin uga socdo dowladda federaalka, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.

Beesha Caalamka ayaa madaxda dowlad goboleedyada ee ka maqan shirkaas ugu baaqday in ay ka qayb-galaan, iyagoo aan wax shuruud ah ku xirin, halka madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in uu arrintaas xaqiijiyo.

PUNTLAND POST




The post Badbaado Qaran oo shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this