Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirkii Farmaajo iyo xubnaha taabacsan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada ayaa war kasoo saartay shirka Afisyoone ee looga hadlayo khilaafka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ee ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo iyagu ka horyimid hanaanka shirkaas iyo ajendihiisa.

Qoraalka Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehlinayaan ra’iisal wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

“Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda  ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka inay si daah-furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu meel xasaasiya marayo khilaafka doorashada, islamarkaana uu furmay shir ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo Jubbaland oo iyagu kasoo horjeeda guddiga iyo hanaanka doorashada ee dowladda dabada ka riixeyso.

Afisyoone-Afisyooni-.jpeg Farmaajo.jpeg 164528447_3873497529401363_8182549987057 163995995_3873497976067985_6412267671630 164333393_3873497202734729_3562109256678 Afisyoone-Afisyooni-2.jpeg Shirka-Afisyoone-.jpeg 163780857_3873497382734711_2913999612598 Deni-iyo-Madoobe.jpeg 163745600_3873541526063630_6996809147814 164795044_3873546429396473_4852706841787

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this